Waxaa lagu soo warramayaa in xafiisyada guddoomiye xaafadeedyada ismaamulka Narok ay iska diiwaangeliyeen in ka badan 50, 000 oo beeralay ah.
Tani ayaa qayb ka ah qorsho la billaabay toddobaad ka hor.
Dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha dalka William Ruto uu dhammaan beeralayda wadanka ka codsaday inay is diiwaangeliyaan.
Ujeeddada laga leeyahay arrintan ayaa ah in la xaqiijiyo tirada rasmiga ee beeralayda dhabta ah si loogu qaybiyo bacrimin.
Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo Narok ,Isaac Masinde ayaa laga soo xigtay in guddoomiye xaafadeedyada iyo ku xigeenadooda loo qaybiyay 193 oo ah kombiyuutarrada yaryar-ka ee loo yaqaano Tablets, si ay diiwaangelinta ugu adeegsadaan.
Masinde ayaa beeralayda ugu baaqay inay is diiwaangeliyaan ka hor 17-ka bishan Jannaayo oo ah maalinta kama dambeyska ee la asteeyay.