Taliyaha ugu sarreeya ciidamada difaaca wadanka Pakistan ayaa ugu baaqay wadanka sida wayn ay u xifaaltamaan ee India inay abuuraan jawi nabdoon si labada dal ay u yeeshaan xiriir iskaashi
Arrinkani ayaa yimid ka dib markii si lama filaan ah ay labadan dal bishii hore u gareen heshiis xabad joojin ah .
Taliyaha guud ee ciidamada wadanka Pakistaan Qamar Javed ayaa sheegay inay tahay wakhtigi la soo afmeeri lahaa wixii dhacay isaga oo ugu baaqay dowladda dalka India oo cadaawad soo jireena ay kala dhaxayso inay abuuraan jawi habboon.
Waxaa uu carabka ku dhuftay in culayska ugu badan uu saaran yahay wakhti xaadirkan dowladda India .
Dowladda Maraykanka ayuu taliyuhu sheegay inay door ku leedahay soo afjaridda colaadda labada dal.
Jeneraal Qamar ayaa hadalkani jeediyay mar uu la hadlayay aqoon yahano iyo khuburo qaabilsan dhinaca amniga qaranka oo shir ku yeeshay magaalada Islamabad ee caasimadda wadankaasi Pakistan
Waxaa uu si gaar ah carabka ugu adkeeyay in wadanka ay dariska yihiin ee India looga fadhiyo abuurista jawi dagan si gaar ah gobalka kashmiir oo labada wadan ay ku muran san yihiin.
Labadan dal ee dariska ah oo dhaca koonfurta qaaradda Aasiya ayaa labaduba ku hubaysan hubka wax gumaada ee nuclear-ka ah.
Madaxa ugu sarreeya milatariga wadankaPakistaan ayaa sheegay in muranka labada dal oo sii socda in gobalka ay ku soo celin karto saboolnimadi iyo hormar la’aanti.
Labada dal ee isku haya gobalka kashmiir oo mid walba uu sheegto in uu isagu leeyahay waxaa ku dhex maray gobalkan dagaalo culculus
Xiriirka u dhaxeeya dhinacyadan ayaa sii xumaaday marki dhawaan xukumadda New delhi ay gobalka kashmiir qaybta ay maamusho kala laabatay ismaamul gobaleed u gooni ahaa.
Taliyaha ayaa sheegay in in awoodda dhaqaale ee bartamaha iyo koonfurta Aasiya ay sii ahaan doonto mid afduuban inta uu jiro khilaafka u dhaxeeya Pakistaan iyo India.
Ma jiro wax jawaab ah oo ka soo baxday dhinaca India oo looga falcelinayo baaqa ka soo yeeray taliyaha guud ee ciidamada wadanka Pakistan.