Kinshasa oo dhaleeceysay habdhaqanka Kagame ee qaxootiga DRC

0
242

Xukuumada Kinshasa ayaa ku eedeysay madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame inuu falal anshax xumo ah kula kacay dadka qaxootiga ah ee ka soo jeeda Jamhuuriyada Dimuqraadiga ah ee Congo DRC.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo aqalka sare ee dalka Rwanda ay ku dhawaaqeen maalinkii Isniinta ee toddobaadkan inaysan sii wadi karin qaabilaadda qaxootiga ka soo jeeda DRC maadaama ay Rwanda culays ku yihiin qaxootiga.
Tallaabadan ayaa loo arkayaa inay sare u sii qaadday xiisadda dhanka diblomaasiyadda ah ee u dhexeysay xukuumadaha Kigali iyo Kinshasa.
Dhamaadkii bishii 11-aad ee sanadkii hore, in ka badan 130 qof oo rayid ah ayaa la dilay sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
Dadkan ayaa lagu dilay tuulo ku taalla bariga DRC waxaana falkaasi lagu eedeyay fallaagada M23, oo qabsaday bilihii la soo dhaafay dhul ballaaran oo dhaca waqooyiga magaalada Goma, ee xarunta gobolka Waqooyiga ee Kivu.
Dowladda Rwanda ayaa lagu eedeyay inay kooxdan taageerto, balse Kigali gabi ahaanba eedeymahaasi beenisay.