Maxkamadda sare oo joojisay in bangiga dhexe ee CBK uu soo celiyo qarashaadka lacagaha loogu diro taleefoonnada

0
411

Maxkamadda sare ee dalka ayaa si ku meel gaar ah u haksiay in bangiga dhexe ee dalka ee CBK u soo celiyo qarashaad horay meesha looga saaray oo la xiriiray lacagaha laga diro bangiyada ee lagu xawillo taleefoonnada gacanta.
Tallaabadan uu bangiga dhexe ee CBK dhaqangeliyay 1-dii bishan ayaa hadda si ku meel gaar ah meesha looga saaray.
Go’aanka maxkamadda ayaa yimid ka dib markii shakhsi ku nool magaalada Nairobi oo lagu magacaabo Moses Wafula oo dhacwad arrinkan uga soo horjeedo u gudbiyay maxkamadda.
Qarashaadkan ayaa meesha laga saaraya 16-kii bishii Saddexaad ee sanadkii 2020-kii, saddex cisho ka dib markii Kenya laga xaqiijiyay cudurka COVID-19.
Waxaa xilligaasi looga gol-lahaa in sare loo qaado adeegsiga siyaabaha casriga ee lacagaha la isugu diro iyadoo macaamiisha laga cafinaya qarashaadka howlahan uga bixi karo.