DHAGEYSO:Madaxweynihii geeriyooday ee Tanzania John Magufuli oo la aasi doono 25-ka bishaan

0
727

Waxaa shaaca laga qaaday xilliga la aasi doono madaxweynihii geeriyooday ee dalka Tanzania John Pombe Magufuli.
Mama Saamiya Suluhu Xasan oo ku xigeen u ahayd madaxweynaha geeriyooday oo maanta loo dhaariyay xilka madaxweynaha ee dalkaasi ayaa sheegtay in Mr. Magufuli la aasi doono maalinka Khamiista ee toddobaadka dambe taarikhduna tahay 25-ka bishaan.
Waxaa ay shaacisay in Tanzania ay geli doonto muddo 21 cisho oo baroor diiq ah islamarkaana calanka Tanzania hoos loo dhigi doono.
Waxaa ay sheegtay in dadweynaha dalkaasi ay heli doonaan fursad ay ku siiyaan xushmadoodii ugu dambeysay madaxweynaha geeriyooday laga bilaabo berrito.
Mrs. Suluhu ayaa dhanka kale sheegtay in munaasabad ballaaran berrito lagu qaban doono kaniisadda Katooliga ee St Peter ee ku taala magaalada Dar es Salaam ka hor inta aan maydka loo qaadin garoonka kubadda cagta ee Uhuru Stadium.
Xilli ay ka hadlaysay qorshaha aaska madaxweynihii geeriyooday ee Tanzania ayay Samiya Suluhu Xasan tiri

21-ka bishaan ayaa shacabka magaalada Dar es Salaam ay meydka madaxweynihii hore ee dalka Tanzania John Pombe Magufuli ku sagootin doonaan garoonka Uhuru Stadium.
Meydkiisa ayaa loo qaadi doonaa magaalada caasimadda ee Dodoma 22-ka bishaan iyadoo maalinka xiga loo wareejin doono magaaladda Mwanza si dadweynaha ay u daawadaan.
25-ka bishaan ayaa ugu dambeyn lagu aasi doona gurigiisa oo ku yaala deegaanka chato ee gobalka Geita.