DHAGEYSO:Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo sheegay inay muhiim tahay in loo midoobo xaaladda dalka Soomaaliya

0
444

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmad Maxamad Islaam oo ka qeyb galay shirka madasha loogu magac daray Badbaadada Qaranka oo ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa arrimaha dalka Soomaaliya ka hadlay.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in howshaan iyo dhismaha madashaan loo arkay inay xal u noqon karto Xaaladda cakiran ee Doorashada Soomaaliya, taasoo ilaa hadda ay muuqato inaysan ku jihaysnayn wadada saxda ah.
Wuxuu intaas ku daray in loo baahan yahay in si rasmi ah loogu diyaar garoobo sidii xal looga gaari lahaa kala aragti duwanaanshaha taagan iyadoo la eegayo danta Qaranka.
Madaxweynaha Maamulka Jubaland ayaa sheegay inaysan Cidna Talo gaar ah dalka ku hagi Karin balse wadatashi iyo isu Tanaasul dalka lagu gaarsiin karo doorasho iyo isku Kalsoonaan.