Mama Saamiya Suluhu Xasan oo madaxweyne ku xigeenka Tanzania ahayd tan iyo sanadki 2015-kii, ayaa maanta loo dhaariyay xilka madaxweynaha ee dalkaas.
Jagadan ayay la wareegtay ka dib geeridii ku timid madaxweynihii dalkaasi John Magufuli oo u dhintay xanuun dhanka wadnaha ah.
Waxaa Samiya lagu dhaariyay aqalka madaxtooyada ee magaalada Daaresalaam ee dalka Tanzania.
Dastuurka dalka Tanzaniya ayaa dhigaya in madaxweyne ku xigeenka uu la wareego muddada u hadhay madaxweynaha haddii uu dhinto ama uu iscasilo.
Tani ayaa Samiya Suluhu Xasan ka dhigeysa haweeneydii ugu horreysay ee qabata xilka ugu sarreeya ee Tanzania iyo sidoo kale madaxweynaha lixaad ee dalkaasi.
Waxaa ay sidoo kale noqoneysaa madaxweynihii labaad ee Tanzania ee ka soo jeeda Jasiiradaha Zanzibar.
Xilka maanta loo dhaariyay ayay hayn doonta ilaa 2025-ka si ay u dhameystirto muddo xileedkii labaad ee Magufuli ee shanta sano.
Waxay ku dhaaratay in ay ilaalin doonto dastuurka Tanzania oo ayna si daacad ah ugu adeegayso shacabka wadankaas