Dowladda New Zealand ayaa sheegtay in dadka ka soo safraya Shiinaha ee wadankaasi tagaya aan looga baahneyn inay soo bandhigaan natiijo muujinaysa in laga baaray oo laga waayay cudurka COVID-19 .
Tani ayaa ka duwan go’aamo ay qaateen waddamo ay ka mid yihiin Maraykanka, Japan iyo Faransiiska.
Wasiirka caafimaadka ee dalka New Zealand Ayesha Verrall ayaa maanta oo Arbaco ah sheegtay in qiimeyn ay sameeyeen howlwadeennada caafimaadka dadweynaha lagu ogaaday in rakaabka ka imaanaya Shiinaha aynan sababi karin inay kordhaan xaaladaha cudurka ee dalkaasi.