Mudanaha deegaan baarlamaneedka bariga Embakasi ee ismaamulka Nairobi Paul Ongili oo loo yaqaano Babu Owino ayaa madaxweynaha dalka William Ruto uga digay in maamulkiisa uu meesha ka saaro adeegga HELB.
Barnaamijkan ayaa ah mid ardayda dhigta xarumaha sare ee tacliinta inay helaan lacago amaah ah oo ay ku bixin karaan qarashaadka waxbarashada.
Digniinta Babu Owino ayaa timid ka dib markii la soo tabiyay in dowladda ay doonaysa inay Barnaamijka HELB ku beddesho qorsho kale.
Xildhibaanka ayaa hoosta ka xarriiqay in nidaamkan amaahda ah uu caawiyay arday badan oo danyar ah sidaas awgeedna aan loo baahneyn in maamulka wadanka hoggaamiyo uu faragelin ku sameeyo.
Ruto HELB wachana nayo Kabisa.Comrades are poor &ONLY Education will save them from the Yoke of poverty
For we live in an hour of change&challenge,decade of hope&fear,in an age of both knowledge and ignorance .The greater our knowledge increases the greater our ignorance unfolds. pic.twitter.com/mFsSC520ZS— Babu Owino (@HEBabuOwino) January 3, 2023
Kenyans are suffering from the yoke of poverty.Cost of living is too high.Dr.Ruto you’ve proven to be ineffective so far.Between 0 to 10 I can give you -1.
— Babu Owino (@HEBabuOwino) January 3, 2023