Hoggaamiyaha mucaaradka Tanzania oo dib ugu laabanaya dalkiisa ka dib geeridii madaxwaynihii wadankaas

0
638

Madaxa xisbiga mucaaradka ee dalka Tanzania ,Tundu lissu ayaa sheegay inuu diyaar u yahay ku soo laabashada dalkiisa hooyo ka dib geeridii ku timid madaxwaynihii dalkaasi Tanzania John Magufuli,
Mr.Tundu ayaa magan galiyo ku jooga wadanka Belgium ka dib markii uu isaga cararay dalkisa markii ay sanadkii hore Tanzania ka dhacday doorashadii madaxtinimo oo mucaaradka dalkaasi ay qadaceen in uu ku guulaystay madaxwayne Magufuli.
Mr. lissu waxaa uu sheegay wakhtigaasi in naftiisa ay halis ku jirto.
Samia Suluhu Xasan , madaxwayne ku xigeenka dalkaasi Tanzania ayaa xalaya ku dhawaaqday geerida madaxwayne John Magufuli oo wixii ka dambeeyay 27-kii bishi labaad ee sanadkan aan ka soo muuqan goob fagaara ah taas oo keentay wakhti horaba in su’aal la galiyo xaladdiIsa caafimaad.
Iyada oo si toos ah shacabka dalkeeda ugala hadlaysay warbaahinta wadankaasi waxaa ay sheegtay in madaxwaynuhu uu ku geeriyooday isbitaalka Mzena hospital ee magaalada Dar es Salaam saacadu markay ahayd 6-di makhribnimo halkaas oo lagula tacaalayay xaaladiisa caafimaad.
Waxay ku dhawaaqday 14 maalin oo baroor diiq qaran ah iyada oo hoos loo dhigayo calanka dalkaasi.

Madaxweyne Magufuli oo geeriyooday isagoo 61 sano jir ah ayaa ka mid ahaa hoggaamiyaasha ugu caansan qaaradani Africa oo su’aal galiyay jiritaanka halista caabuqa-19 iyada oo dhanka kale lagu xusuusto olole ka dhan ah musuqmaasuqa .
Sidoo kale waxaa uu 2017-kii mamnuucay safaradda dibadda ee shaqaalaha dowladda tani oo Tanzania u keydisay hal sano gudaheed 48 bilyan oo shilin.

John Pombe Magufuli waxaa uu ku dhashay deegaanka chato ee gobalka Geita 29-kii bishi tobnaad ee sanadkii 1959.
Magufuli ayaa shahaaddada Degriiga ee culuunta Keemistiriga iyo xisaabta sanadkii 1988 ka qaatay jaamacadda Dar es Salaam University.
Waxaa uu tan iyo sanadkii 1995-tii ka shaqeynayay warshad dhanka daawooyinka ah ka hor inta uunan ku biirin siyaasadda.
Waxaa uu 1995-tii ku biiray baarlamaanka Tanzania isagoo sidoo kale ahaa wasiir ku xigeenkii wasaaradda howlaha guud ee intii u dhexeysay 1995 ilaa 2000.
Wasiirka howlaha guud ayaa loo magacaabay 2000 wuxuuna xilkaasi hayay ilaa 2006.
2006 ilaa 2008 waxaa uu John Magufuli ahaa wasiirkii dhulalka iyo deegaameynta .
Intii u dhexeysay 2008 ilaa 2010-kii waxaa uu noqday wasiirkii xoolaha iyo kallumeysiga ee Tanzania.
2010 ilaa 2015-kii waxaa uu mar kale noqday wasiirkii howlaha guud ee dalkaas
Waxaa madaxweynaha Tanzania loo doortay 5-tii bishii 11-aad ee sanadkii 2015-kii.
Sanadkii tagay ayaa markii labaad loo doortay xilka madaxtinimo ee Tanzania wuxuuna noqonayaa madaxwaynihii koowaad ee Tanzania oo geeriyooda isaga oo xilka haya.
Waxaa uu hadda qorshuhu yahay in ku xigeenkiisi Samia Saluhu Xasan loo dhaariyo xilka madaxtinimo ee Tanzania ilaa dhammaadka muddo xileedkii Magufuli oo 5 sano ah.
Qaar ka mid ah shacabka dalka Tanzania ayaa muujiyay dareenkooda ku aaddan geerida ku timid madaxweynihii wadankaas.