Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay inuu rajeynaya in uu si dhow ula shaqeeyo xukuumadda ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ee Israa’iil.
Bayana uu soo saaraya Biden ayuu ku sheegay in isaga iyo Netanyahu ay saaxiibbo ahaayeen tobaneeyo sano.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in Maraykanka iyo Israa’iil ay iska kaashan doonaan sidii loo xallin lahaa caqabadaha ka jiro bariga dhexe iyo halis uu xusay inay uga soo wajahan tahay dhanka Iiraan.