Sida laga soo xigtay labo ka mid ah dibloomaasiyiinta wadamada xubnaha ka ah midowga Yurub , safiirrada dalalkan ayaa maanta ku heshiiyay xayiraado ka dhan ah Shiinaha.
Tallaabadan oo la doonayo in ay ansaxiyaan wasaaradaha arrimaha dibadda ee wadamadan ayaa saameynaya afar sarkaal oo u dhashay Shiinaha iyo hal shirkad oo uu fadhigeedu yahay Beijing.
Waxaa loo haystaa ku xadgudubka xuquuqul aadanaha.
Xayiraadda ayaa la xiriirta xannibaad la saaraya safarrada iyo hantida shakhsiyaadkan .
Sanadkii 1989-kii ayay ahayd markii Midowga Yurub uu cunaqabateyn dhanka hubka ah ku soo rogay Shiinaha.