2 haween oo loo xiray inay gudniin ku sameeyeen gabdho

0
388

Waxaa gacanta lagu dhigay labo haween oo loo haysto inay afar gabdhood ku sameeyeen gudniinka fircooniga ee loo yaqaano FGM-ka
Eedeysanayaasha ayaa laga soo qabtay tuulada Sechelezi ee ismaamulka Isiolo.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in labada haween midkood ay tahay hooyada dhashay saddex gabdhood halka ay habar-yar u tahay midda afaraad .
Haweeneyda kale ee la soo xiray ayaa ah midda gabdhaha guday.
Waxaa arrintan xaqiijiyay taliyaha booliiska ee Isiolo Xasan Barua.
Taliyaha ayaa sheegay inay howlgalka lagu soo qabtay haweenka sameeyeen ka dib xog uu u soo gudbiyay qof ka mid ah shacabka tuuladaasi.
Afarta gabdhood ayaa hadda lagu daaweynaya isbitaalka heerka afaraad ee Isiolo.
Xasan Barua ayaa intaasi ku daray in berri oo Isniin ah eedeysanayaasha maxkamad la soo taagi doono.
Waxaa uu taliyaha xusay in haweenka fuliya ama garab siiya gudniinka fircooniga ee loo yaqaano FGM-ka inay wajihi doonaan hannaanka caddaaladeed ee dalka.