Filibiin oo xuduudda ka xiratay ajaaniibta

0
457

Dowladda dalka Filibiin ayaa lagu soo warramayaa in ay soo saartay xayiraado dheeraad oo dhanka isku socodka ah si loo xakameeyo faafidda caabuqa corona.
Amarrada cusub waxaa ka mid ah in ajaaniibta iyo muwaadiniinta Filibiin ee ku nool wadamada kale aan loo oggolaan doonin in ay gudaha u galaan dalkaas.
Tani ayaa timid ka dib markii ay kordheen kiisaska faraca cusub ee fayraska corona ee halkaas laga diiwaangeliyay.
Amarkan cusub oo dhaqan galaya 20-ka bishan ayaa shaqeyn doono ilaa 9-ka bisha afaraad ee sanadkan sida laga soo xigtay guddiga Filibiin ay u xilsaartay la tacaalidda xaaladaha COVID-19.