Adeegyada haray ee dowladda oo boqolkiiba 85 dijitaal laga dhigaya

0
310

Madaxweynaha dalka William Ruto oo maanta khudbad ka jeediyay xuska qaran ee maalinta Jamhuri Day ayaa sheegay in maamulkiisa uu doonayo inuu suurtageliyo in qof kasta oo kenyaan ah uu helo adeegyada dowladda isagoo ku sugan gurigiisa, iyadoo la adeegsanaya aaladaha tignoolajiyadda ee dijitaalka ah.
Dr. Ruto ayaa tilmaamay in muddo 6 bilood gudahood, boqolkiib 85 adeegyada haray ee dowladdu u fidiso dadweynaha laga dhigayo kuwa dijitaal ah.
Waxaa uu sheegay in Kenya ay beegsaneysa inay hal milyan oo shaqo ka abuurto aaladaha tignoolajiyadda.