Xaalad biyo la’aan ah ayaa laga soo sheegaya deegaano hoostaga Degmada Jowhar ee Xarunta gobolka shabeellada dhexe sidoo kalena ah Caasimadda Maamulka Hirshabeelle.
Qaar ka mid ah shacabka ku nool Tuulada Bananeey ee degmada Jowhar Hoostaga ayaa warbaahinta la hadlay waxayna ka cabanayaan Biyo la’aanta,Ayaxa iyo dhibaatooyin kale oo deegaanada gobolka shabeelada dhexe ka jira.
Arrintan ayaa waxay ku soo aadaysaa ayadoo shalay dowladda Soomaaliya ma rkale ku celisay baaqeedii ahaa in dalka Soomaaliya ay ka jirto Xaalad daran oo dhanka Binuaadanimada ah taasoo ka dhalatay abaaro is xigxigay,Ayaxa iyo Colaadaha ka jira Gobolada Qaarkood.