DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo biyo dhaamis ka bilaabaysa gobolka Gedo

0
614

Guddiga Gurmadka abaaraha ee ay magacaawday Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u ambabaxay xaaladaha daran ee abaaraha Gobolka Gado ayaa gaaray Gobolkaasi.
Waxaa ay sheegeen inay halkaas ka bilaabayaan biyo dhaamin oo ah talaabada koobaad ee naf badbaadinta ah.
Guddiga ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska , Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka iyo masuuliyiin kale.

Guddiga ayaa kulamo la qaadan doono waxgaradka iyo maamulka gobolka Gedo si ay ugu kuurgalaan xaalada abaaraha ee laga soo sheegaayo deegaanada hoostago Gobolka Gedo.