Dowladda dhexe ayaa shacabka ugu baaqday in aynan fududeysan farriimaha wargelinta ah ee loo soo diro kuwaasoo ku aaddan qaadashada kaarka Huduma.
Afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna ayaa walaac ka muujiyay in weli ay hooseyso tirada dadka ee qaatay kaarkan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in 4.5 milyan oo farriimo ah la diray hasa ahaate laga soo jawaabay keliya kala bar tiradan.
Mr. Oguna ayaa intaa ku daray in 37 milyan oo kenyaan ah ay iska diiwaangeliyeen nidaamkan wajigii koowaad sidaas awgeedna ay kaararkooda Huduma qaadan doonaan ugu dambeyn dhammaadka sanadkan.
Dowladda ayaa kaarka ugu talagashay in ay ku fududeyso bixinta adeegyada aasaasiga ee ay shacabku u baahan yihiin.
Afhayeenka dowladda dhexe ayaa sheegay in kaarka Huduma lagu qaato si lacag la’aan ah sidaas awgeedna uu dadweynaha uga digaya shakhsiyaad doonaya in ay si khiyaano ah lacago uga qaataan.
Mr. Oguna ayaa sheegay in hadii ay qofku u soo dhacdo farriin wargelin oo uunan kaga jawaabin saddex cisho gudahood in kaarkiisa lagu wareejinaya xaruntii uu markii hore ka codsaday.
Home Wararka Kenya Kenyaanka oo lagu boorriyay in aynan iska indhatirin farriimaha ku saabsan kaarka...