Madaxweynaha dalka oo garsoorayaal u magacaabay maxkamadda sare

0
440

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa magacaabay 20 garsoorayaal ah oo ku biiraya maxkamadda sare ee wadanka.
Waxaa magacyada xaakinnadan madaxweynaha u gudbiyay guddiga adeegga garsoorka ee JSC.
JSC ayaa bayaan ku sheegtay inay tallaabadan qaadday ka dib markii la soo gabagabeeyay turxaan bixin qiimeyn ah oo la sameeyay.
Madaxa cadaaladda dalka garsoore Martha Koome ayaa u mahadcelisay xaakinnada iyo cid waliba oo qayb ka ahayd geeddisocodka turxaan bixinta.
Guddiga ayaa tilmaamay in 20-ka qof lagu soo xushay inay u qalmaan jagooyinkan iyadoo la isku dheelli tiray arrimaha jinsiga iyo matalaadda goboleed.
Garsoorayaasha uu madaxweyne Ruto u magacaabay inay ka howlgalaan maxkamadda sare ayaa kala ah Gichohi Patricia, Josephine Mongare, Patricia Nyaundi, Diana Kavedza, Sophie Chirchir Mwaisha Said,Heston Nyaga, John Chigiti, Peter Mulwa, Lawrence Mugambi, Gregory Mutai, Robert Wananda, Samwel Mukira, Francis Ochieng, Fred Mugambi , Dennis Magare,Florence Macharia, Teresa Achieng iyo Aleem Visram.
14-kii bishii Saddexaad ee sanadkan ayay ahayd markii guddiga adeegga garsoorka ee JSC uu soo xayeysiiyay xilalka ay garsoorayaashan buuxinayaan.
Afhayeenka madaxtooyada dalka ee State House , Xuseen Maxamad ayaa barta Twitter-ka ku xaqiijiyay in garsoorayaashan berri la dhaarin doono.