Iyadoo shalay caalamka laga xusay maalinta adduunka ee cudurka AIDS-ka ayaa warbixin la soo saaray waxay muujinaysa in kiisaska cudurkan ee gudaha wadanka inay kordheen boqolkiiba 7.3.
Marka la eego jinsiyadda , sida uu haweenka u saameeyay xanuunka ayaa ah boqolkiiba 66.7 halka ragga ay yihiin boqolkiiba 33.3 .
Sanadkii hore waxaa gudaha Kenya laga diiwaangeliyay xaaladaha cusub ee AIDS-ka oo gaaraya 34,540 sida laga soo xigtay golaha qaran ee xakameynta faafidda cudurkan.