Waxaa albaabada la isugu dhuftay maxkamadda sare ee dalka laanteeda ismaamulka Meru ka dib markii mid ka mid ah shaqaalaha uu u dhintay cudurka COVID-19
Goobtan ayaa xirnaan doonto muddo toddobo cisho ah.
Wararka ayaa intaa ku daraya in mas’uulka cudurka u geeriyooday uu ka shaqeynayay qaybta diiwaangelinta ee maxkamadda.
Sii hayaha xilka madaxa cadaaladda ee Kenya garsoore Philomena Mwilu ayaa sheegtay in go’aankan uu howlwadeenada kale fursad u siinaya in baaritaan guud lagu sameeyo.
Sidoo kale xarunta maxkamadda Meru ayaa lagu wadaa in maanta la buufiyo.
Maxkamadda Meru waxaa ka howlgalo 78 sarkaal oo 12 ka mid ah ay ka shaqeyaan waaxda diiwaangelinta.