DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay doodii badda ee shalay

0
609

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Soomaaliya Suleebaan Maxamad Maxamuud ayaa ka warbixiyay Fadhigii shalay ee Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ ee ku Saabsanayd dooda dacwadda badda ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya.
Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay inay Qareenada Soomaaliya Matalaya iyo gudidga Soomaaliya ee halkaas ku sugan ay si faahfaahsan doodooda u soo bandhigeen Wareega Koobaadna saas ku soo dhamaaday kan Xigana la guda galayo.