DHAGEYSO:Dowladda oo la shaqeyn doonto dhammaan saaxiibbada horumarka

0
408

Madaxweyne ku xigeenka dalka ,Rigathi Gachagua ayaa sheegay in maamulka talada haya ee Kenya Kwanza uu sii wadi doono inuu kaashado dhammaan hay’adaha ka shaqeeya horumarka si uu u dhaqangeliyo qorshihiisa hoggaamineed.
Arrintan ayuu sheegay xilli uu shalay gaaray tuulada Macallimiin ee deegaanka Lagdera ee ismaamulka Garissa halkaasi oo uu ku daahfuray qorshaha ka falcelinta abaarta.
Waxaa uu hoggaamiyaha labaad ee dalka xusay inay diyaar u yihiin inay kaashadaan cid waliba oo doonaysa taageeridda qorshayaasha horumarineed ee dowladda.
Gachagua ayaa dhanka kale dhaliil u jeediyay madaxa isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga.
Waxaa uu ku doodaya in Odinga uu si aan habboonayn ula taliyay madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta taasoo laga dhaxlay deyn dhan 10 tiriliyoon oo shilin.
Rigathi Gachagua ayaa ku celceliyay in aynan jirin cid madaxweyne William Ruto ka hor istaagi karto inuu iskaashi la yeesho waddamada reer galbeedka si kenyaanka ay uga faa’iidaan.

Dhanka kale madaxweyne ku xigeenka Kenya ,Rigathi Gachagua ayaa ku baaqay in hooyooyinka mudnaanta koowaad la siiyo marka la qaybinaya cunnada gargaarka isagoo xusay in deeq la geeyay Lagdera la wada gaarsiin doono bulshada.