Wakiil lagu magacaabo Dennis Kiogora sidoo kalena ah madaxa siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee golaha hoose ee ismaamulka Meru u qaabilsan dhanka kala dambeynta ayaa dacwad geeyay.
Waxaa uu doonaya in xilka laga qaado barasaabka dowlad deegaankaasi Kawira Mwangaza.
Waxaa uu haweeneydan ku eedeynaya inay ku xadgudubtay xeerarka hoggaanka iyo hufnaanta ee dastuurka dalka.
Wakiilka oo laga soo doortay deegaanka hoose ee Abogeta West ayaa Kawira ku eedeynaya habdhaqan xumo iyo ku takriifal awoodeed.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ilaa 68 ka mid ah wakiillada golaha hoose ee Meru ay taageersan yihiin xilka qaadista barasaabka ismaamulkaasi.