Dab afar maqaaxi ku burburiyay Malindi

0
478

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Malindi ee ismaamulka Kilifi ee gobolka xeebta ayaa sheegaya in dab ka kacay afar ka mid ah maqaayadaha halkaas ku yaalla uu burburiyay.
Goobahan ayaa waxaa inta badan ku soo dego dalxiisayaasha wadanka yimaada.
Wararka ayaa intaa ku daraya in hantida burburtay uu qiimaheedu yahay malaayiin shilin in kastoo aan si rasmi ah weli loo cayimin.
Ilaa iyo hadda ma cadda waxa sababay dabka oo la soo tabiyay galinkii dambe ee shalay.
Maqaayadaha uu saameeyay ayaa kala ah Coral Key hotel, the Coral Key B apartments, the Oasis Village iyo the Park Marina Estate.