Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda Fedraalka Somaaliya ayaa Arrimo badan oo muhiim ah ka hadashay waxayna Bulshada Soomaaliyeed ugu baaqday inay midnimo muujiyaan si dalka wada jir looga hormariyo.
Wasiiru dowlaha Awqaafta Soomaaliya ayaa ka hadlay dhibaatooyinka uu wadanku hadda wajahayo gaar ahaan Cudurka Covid 19 oo Soomaaliya Saamayn weyn ku yeeshay wuxuuna sidoo kale ka hadlay Arrimaha la Xiriira Dacwadda Badda Soomaaliya ee Berri bilaabanaysa.