Iyada oo lagu wado in 18-ka bishan oo ku beegan khamiista ay ismaamulka Machakos ka dhacdo doorasho ku celis ah ayuu musharraxii xisbiga MCC ee xilka senatarnimo Mutua Katuku joojiyay ololihiisa siyaasadeed.
Waxaa xilkan loolan ugu jiro 11 musharraxiin ah.
Siyaasigan ayaa sheegay in uu u hoggaansamay amarkii madaxweyne Uhuru Kenyatta uu dhawaan muddo 30 cisho ah ku mamnuucay isku soo baxyada siyaasadeed si loo xakameeyo faafitaanka cudurka COVID-19.
Mr. Katuku, ayaa sidoo kale siyaasiyiinta la tartamaya ku boorriyay in ay qaataan amarka madaxweynaha oo ayna tixgeliyaan caafimaadka dadweynaha.
Xilka senatarnimo ee Machakos ayaa bannaanaaday ka dib markii 11-kii bishii 12-aad ee sanadkii hore uu geeriyooday Boniface Kabaka oo dowlad deegaankaas ku matalayay aqalka sare.