War-saxaafadeed uu soo saaray maanta musharraxa madaxweynaha Soomaaliya Dr. Cabdinaasir Cabdile Maxamad ayuu kaga hadlay kiiska dacwadda badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya isagoo sheegay in ay lama taabtaan tahay xuduudda badeed, dhuleed iyo midnimada Soomaaliya.
Musharrax madaxweyne Dr. Cabdinaasir Cabdile Maxamad ayaa sheegay in sida u qorayo dastuurka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya , in dalkeeda u xaq u leeyahay lahaanshaha dhulkiisa, baddiisa iyo hawadiisa.
“Soomaaliya waa dal gobanimo buuxda leh, madax-bannaani siyaasadeed, midnimo iyo dhul xadaysan, si waafaqsan xeerarka caalamiga ah” ayuu yiri Dr. Cabdinaasir
Waxaa uu sheegay inay garab taaganyihiin qareennada difaacaya xuduud-badeedka Soomaaliya islamarkaana waxaa u shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay garab istaagaan oo ay taageeraan qareennada difaacaya badda.
Waxaa uu intaa ku daray in qareennada difaacaya badda Soomaaliya looga baahanyahay inay marwalba shacabka Soomaaliyeed ay si joogto ah la wadaagaan hadba meesha ay mareyso kiiska badda.
Ugu dambeyntii waxaa u sheegay inuu rajaynayaa in xaqu u hiili doono Soomaaliya oo ay ku guulaysan doonto dacwaddaas.
Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ayaa 15-ka bishaan billaabeysa dhageysiga dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya.
Bishii July ee sanadkii 2015-kii ayay dowladda Soomaaliya si rasmi ah maxkamadda ICJ ugu gudbisay dacwadda ku saabsan muranka badda ee kala dhaxeeya Kenya.
Xilligaas ka hor waxaa marxalado badan laga soo maray sidii kiiska loo geyn lahaa maxkamadda.
Home Wararka Soomaaliya Musharrax madaxweyne Dr. Cabdinaasir oo ka hadlay dacwadda kiiska badda ee Soomaaliya...