Guddoomiyaha imaamyada ismaamulka Mandera Sheekh Cabdullahi Warash ayaa ugu baaqay dhammaan bulshada muslimiinta ah ee ku nool magaalada Mandera in ay ka soo qeyb galaan bannanbax roob doon ah oo berri oo Jimco ah lagu qaban doono masjidka Jamia ee magaladaasi.