Siyaasiyiin doonaya in Ijara laga dhigo ismaamul gaar ah

0
439

Iyadoo baarlamaanka dalka loo gudbiyay qorsho lagu doonayo in tirada ismaamullada wadanka oo hadda ah 47 looga dhigo 52 ayaa waxaa arrintan ka hadlay labo ka mid ah siyaasiyiinta ismaamulka Garissa.
Xildhibaanka deegaanka Ijara ee Garissa Cabdi Cali Cabdi iyo Umulkheir Haaruun oo baarlamaanka si magacaabid ah ku gashay ayaa u ololeynaya in deegaanka Ijara laga dhigo ismaamul gaar ah oo ka madax bannaan Garissa.
Waxay hoosta ka xarriiqeen in tani ay xal u noqon doonto gacan bidixeyn iyo caddaalad darro taariikhi ah.
Siyaasiyiintan ayaa sheegay inay taageero ka haystaan xubnaha kale sidaas awgeedna ay dadaal ku bixin doonaan sidii deegaanka Ijara looga dhigi lahaa ismaamul gaar ah.