Hay’adda Gates Foundation oo xafiis goboleed ka furanaysa Nairobi

0
449

Hay’adda Bill & Melinda Gates Foundation ayaa qorsheynaysa inay caasimadda wadanka ee Nairobi ka furto xafiis ay ku yeelanaysa gobolka.
Arrintan ayaa waxaa shaaca ka qaaday bilyaneerka caanka ah ee u dhashay Maraykanka sidoo kalena ka mid ah guddoomiyeyaasha hay’addan ,Bill Gates .
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in xafiis goboleedka uu xoojin doono shaqooyinka hay’adda ee dhanka caafimaadka , wax soo saarka beeraha iyo tiknolojiyadda gudaha Kenya.
Bill Gates ayaa qorshahan ka hadlay ka dib kulan uu madaxweynaha dalka William Ruto kula qaatay xarunta madaxtooyada.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa dhankiisa hay’adda Gates Foundation ku bogaadiyay shaqooyinka ay ka fulinaysa Kenya iyo saameyntooda wanaagsan.
Waxaa uu uga mahadceliyay taageerada ay dalka u fidiso ee dhinaca caafimaadka , wax soo saarka beeraha iyo ICT-da.
Ruto ayaa xusay inay rajeynayaan in iskaashi dheeraad ah oo la xiriira badqabka cunno iyo Barnaamijka caafimaadka guud ee UHC uu dhex mari doono Kenya iyo hay’addan.
Bill Gates ayaa dhankiisa madaxweynaha dalka ku amaanay dhaqaalaha lagu garab istaagaya danyarta ee Hustler Fund oo dhawaan la daahfuri doono.
Waxaa uu sheegay in tallaabadan ay awoodiin u tahay kenyaanka caadiga ah si ay dakhli u soo saaraan oo ay hanti u lahaadaan.
Madaxweyne William Ruto waxaa uu sheegay in dowladda Kenya ay ka go’an tahay inay kheyraad badan u qoondeyso howlwadeenada bixiya adeegyada caafimaadka.