Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa cambaareeyay qaraxii galabta ka dhacay magaalada Istanbul.
Weerarkan ayuu ku tilmaamay mid waxashnimo ah.
Waxaa uu sheegay in qaraxan ay ku dhinteen 6 qof halka 53 ruux kale ay ku dhaawacmeen.
Qaraxa ayaa ka dhacay bartamaha magaalada lstanbul.
Qaraxa oo aan la ogeyn waxa sababay ayaa dhacay wax yar ka dib 4-tii galabnimo ee maanta, kaas oo laga soo tabiyay waddada caanka ah ee Istiklal oo ay inta badan dalxiisayaasha iyo dadka deegaanka iskugu yimaadaan.
Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada xilliga uu qaraxa dhacayay ayaa muujinayay holac ka kacay goobta.
Jugta qaraxa ayaa sidoo kale laga maqlay meelo fog fog.
Waddada Istiklal ayaa waxaa hore u saameeyay weerarro xiriir ah oo lagu bartilmaameedsaday Istanbul sanadihii 2015 iyo 2016-kii, oo ay sheegteen kooxda Daacish.