Qoraal ka soo baxay aqalka madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa sidatan u qornaa:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliy dhigiisa dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa kormeeray xerada ay tababarka ku qaadanayaan Ciidanka Badda Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Ereteriya.
Madaxweynaha ayaa warbixinno ka dhageystay Taliyeyaasha Ciidanka Badda ee tababarka u jooga Ereteriya iyo sida ay diyaarka ugu yihiin difaaca iyo xoreynta dalka.
Madaxwaynaha Jamhuuriyada ayaa ku bogaadiyey ciidankan dadaalka, aqoonta iyo kartida ay muujiyeen, inta ay tababarka ku jireen, waxa uuna u sheegay in ay yahiin tilmaamihii lagu yaqaanno Ciidanka Badda Soomaaliyeed.
Madaxwayna Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqashada kaddib waxaa uu dib ugu soo laabtay dalka, isagoo uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka dalka Ereteriy soo dhaweynta iyo qaabilaadda wanaagsan.
H.E @HassanSMohamud and his host, H.E Isaias Afwerki, visited Somali Navy cadets in Eritrea. The President commended them for their commitment to the training program. He expressed his gratitude to Eritrea for the warm welcome extended to him & his delegation. pic.twitter.com/Ktrcv6y7My
— Villa Somalia (@TheVillaSomalia) November 12, 2022