Wasiirka isgaarsiinta oo sheegay inay kenyaanka si siman ugu adeegi doonaan

0
211

Wasiirka wasaaradda warfaafinta , isgaarsiinta iyo dhaqaalaha dijitaalka ah Eliud Owalo ayaa sheegay in maamulka talada haya ee Kenya Kwanza uu si siman ugu adeegi doono dadweynaha.
Waxaa uu sheegay in madaxweyne William Ruto iyo golihiisa wasiirrada ay ka go’an tahay in dhammaan kenyaanka la gaarsiiyo kheyraadka dowladda iyagoo aan la kala soocin.
Xilli uu ku sugnaa deegaanka Rarieda ee ismaamulka Siaya ayuu Owalo carrabka ku adkeeyay farriintii hoggaamiyaha wadanka ee ahayd in aan la eegi doonin taageerada siyaasadeed ee muwaadinka balse shacabka ku nool qaybaha kala duwan ee wadanka ay ka faa’iidaysan doonaan horumarka dhaqaale.