DHAGEYSO:Bandowga habeenkii ee Kenya oo lagu kordhiyay 60 cisho

0
1251

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta oo dhawaan jeediyay khudbad ku saabsan xaaladda cudurka COVID-19 ayaa soo saaray talaabooyin dheeraad ah.
Waxaa uu muddo 30 cisho ah mamnuucay isku soo baxyada siyaasadeed .
Bandowga habeenkii waxaa lagu kordhiyay labo bilood oo dheeraad ah.
Munaasabadaha aaska waxaa la doonaya in la qabto 72 saacadood gudahood laga bilaabo marka la xaqiijiyo geerida qofka.
Goobaha madadaalada iyo goobaha laga cunteeyo waxay xirmayaan 9-ka fiidnimo.
Kulamada dadweynaha waxaa ka qayb geli karo  keliya 100 qof sida aroosyada.
Madaxweynaha ayaa cadeeyay in qaadashada tallaalka COVID-19 aynan khasab ahayn in kastoo ay dadweynaha ku boorrinayaan in ay ka faa’iidaystaan.
Waxaa uu sheegay in dowladda ay sameynayso wax kasta oo lagu badbaadinaya nolosha shacabka balse mas’uuliyadda koowaad ay saaran tahay qofka .
Mr. Kenyatta oo arrimahan ka hadlay ayaa yiri