Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa ansixiyay magacyada toddobo xubnood oo ka tirsanaan doono guddiga adeegga baarlamaanka ee PSC.
Isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja- One Kenya waxaa guddigan ku matali doono xildhibaanadda deegaanka Likoni ee ismaamulka Mombasa ,Mishi Mboko, mudanaha deegaanka Mavoko, Patrick Makau iyo senatarka ismaamulka Isiolo ,Fatuma Dullo.
Magacyada uu baarlamaanka meel mariyay waxaa golaha hor keenay hoggaamiyaha aqlabiyadda ,Kimani Ichung’wa.
Isbeheysiga talada dalka haya ee Kenya Kwanza waxaa guddiga adeegga baarlamaanka ee PSC ku matali doono wakiilka haweenka ee ismaamulka Nyandarua ,Faith Gitau, xildhibaanka deegaanka Nyali Maxamad Cali ,Joyce Korir oo aqalka sare si magacaabid ah ku gashay iyo senatarka ismaamulka Laikipia Nderitu Kinyua.