Ururka ay ku mideysan yihiin duuliyeyaasha wadanka ee (KALPA) ayaa xubnaha ka tirsan ugu baaqay inay maanta dib ugu laabtaan goobahoodii shaqo.
Tani ayaa timid ka dib markii galinkii dambe ee shalay ay maxkamadda shaqada iyo shaqaalaha ee dalka ay duuliyeyaasha oo afar maalmood shaqo joojin ku guda jiray ay ku amartay inay si shuruud la’aan ah maanta u shaqo galaan.
Dhanka kale maamulka shirkadda wadanka ee duullimaadyada ee Kenya Airways ayay garsoore Anna Mwaure ka hor istaagtay inuu tallaabooyin ka qaado duuliyeyaasha joojiyay shaqooyinkoodii.
Qareenka matalayay mas’uuliyiinta ururka KALPA ee shalay maxkamadda ka soo hormuuqday ,Levi Munyeri ayaa garsooraha ku amaanay inay shirkadda KQ ka hor istaagtay cabsi gelinta howlwadeennada.
Waxaa uu qorshuhu yahay in dacwadda u dhexeysa labada dhinac ay maxkamadda mar kale soo hadal qaado 21-ka bishan.
Duuliyeyaasha iyo maamulka shirkadda Kenya Airways ayaa loo diiday inay muranka u dhexeya ku soo bandhigaan warbaahinta.
Following the ruling issued by Employment and Labour Relations Court, our members shall resume duty at 0600hrs EAT on Wednesday, November 9, 2022. pic.twitter.com/DYODZQXe1O
— KALPA Kenya (@kalpa_kenya) November 8, 2022