Resila Atieno Onyango ayaa loo magacaabay afhayeenka waaxda qaran ee adeegga booliiska.
Waxay xilkan kala wareegaysa Bruno Shioso oo la dallacsiiyay.
Bruno ayaa laga dhigay taliyaha machadka lagu tababaro booliiska ee Kiganjo.
Shioso ayaa beddelaya Japheth Koome oo haddii la ansixiyo noqon doono taliyaha guud ee ciidanka booliiska wadanka oo uu hadda si ku meel gaar ah u haya Nuur Gaaboow.
Waxaa maanta isbeddelladan shaaca ka qaaday ku simaha abaanduulaha ciidanka booliiska dalka Nuur Gaaboow.