Uhuru Kenyatta oo ku rajo weyn in xal rasmi ah laga gaarayo nabadeynta Itoobiya

0
355

Madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta ayaa kalsooni ka muujiyay in wadahadallada nabadeed ee socda ay noqon doonaan kuwa xaal waara ah oo lagu soo afjarayo dagaalkii sokeeyay ee labada sano socday islamarkaana u dhexeyay dowladda Itoobiya iyo fallaagada TPLF ee ka dagaalamayay gobolka waqooyi ee Tigray.
Mr.Kenyatta ayaa sheegay inuu ku rajo weyn yahay in wadahadallada ay ku dhammaadaan dabaaldegyo nabadeed.
Madaxweynaha hore ee Kenya ayaa hadalkan ka dhex sheegay kulan ay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya iyo saraakiil mataleysay maamulka gobolka waqooyi ee Tigray uu maanta shir uga furmay magaalada Nairobi si ay uga wada hadlaan hub ka dhigista ciidamada TPLF sida uu dhigayo heshiiskii nabadeed ee lagu saxiixay maalmo ka hor dalka Koonfur Afrika.
Tani ayaa timid ka dib markii ay 2-dii bishan is-afgarad wada saxiixdeen dowladda federaalka ee Itoobiya iyo maamulka gobolka waqooyi ee Tigray.
Heshiiska nabadeed ee lagu saxiixday wadanka Koonfur Afrika ayaa waxaa garwadeen ka ahaa madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Olu-segun Oba-sanjo iyo dhigiisa hore ee Kenya Uhuru Kenyatta oo uu hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka u magacaabay ergayga arrimaha nabadgalyada ee waddamada Burundi, Congo, Rwanda, Uganda iyo Itoobiya.
Uhuru Kenyatta ayaa tobankii sano ee uu Kenya hoggaaminayay waxaa uu si wayn uga qayb qaatay wada hadallada nabadeed ee dalalka Itoobiya , Suudaanta Koonfureed, Congo iyo Soomaaliya.