DHAGEYSO:Dadka aan u dhalan Xagardheer oo cabasho muujinaya

0
303

Dil dhawaan xerada qaxootiga ee Xagardheer loogu gaystay mid ka mid ah dadka deegaanka falkaasina lagu eedeyay ganacsade dhalasho ahaan deegaan kale ka soo jeeda ayaa waxaa ka dhalatay xiisad.
Kenyaanka aan soomaalida ahayn ee Xagardheer ku ganacsada ayaa sheegay in hantidoodi boob iyo dhac loo gaystay.
Waxay intaasi ku dareen in muddo saddex cisho ah ay ku sugan yihiin xarunta saldhigga booliska ee xeradaasi waxayna cabasho ka muujiyeen xaalad adag oo ay wajahayaan.
Qaar ka mid ah dadkan oo u warramay warbaahinta Star ayaa dareenkooda sidatan u muujiyay.

Dhankooda dadka deegaanka, waxgaradka xerada Xagardheer iyo dadka deegaanka Faafi ayaa ku baaqay in aan waxbo loo dhimin dadka kale ee keenyaanka ah falkii dhacayna xalkiisa ay ku guda jiraan.
Waa kan Suldaan Suleimaan Axmad Shuuriye oo arrinkaas ka hadlay.