Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in isbeheysiga Kenya Kwanza uu sanad kasta fursado shaqo u abuuri doono ugu yaraan hal milyan oo da’yar ah.
Waxaa uu sheegay inay ku shaqeyn doonaan jawi u cuntamaya dhallinyarada.
Arrintan ayuu shaaciyay xilli uu ismaamulka Nairobi ku daahfuray barnaamijka dardargelinta ganacsiga iyo shaqaaleysiinta dhallinyarada ee (K-YEEAP).
Waxaa uu Gachagua xusay in hoggaamiyaha wadanka William Ruto uu xaqiijin doono in wax laga qabto baahiyaha da’yarta.
Mas’uulkan ayaa sheegay in barnaamijyada dowladda loo qaabeyn doono hab fursado shaqo loogu abuuraya dhallinyarada wadanka.
Sidoo kale dowladda dhexe ayaa ku dadaalaysa inay taageerto qorshaha ay waaxyaha gaarka ah uga qayb qaadanayaan la tacaalidda shaqo la’aanta.
Rigathi Gachagua ayaa dhanka kale u mahadceliyay dhallinyarada si wayn ugu codeeyay isaga iyo Ruto si ay hoggaanka dalka u qabtaan wuxuuna tilmaamay in la joogo xilligii ay u abaal gudi lahaayeen da’yarta.
Madaxweyne ku xigeenka wadanka ayaa shirkadaha kala duwan ku boorriyay inay dhallinyarada qayb ka siiyaan maamulka.
Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in ugu yaraan saddex qof oo ay da’doodu ka hooseyso 35 sano ay xubno ka noqdaan guddiga agaasimayaasha.
Wasiirka arrimaha dhallinyarada , cayaaraha iyo farshaxanka Ababu Namwamba ayaa dhankiisa sheegay in loo xilsaaray inuu la yimaado siyaabo badan oo wax looga qabanaya shaqo la’aanta haysata dhallinyarada .
Guddoomiyaha ururka ay ku mideysan yihiin shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay ee KEPSA ,Flora Mutahi ayaa xustay inay diyaar u yihiin in maamulka madaxweyne Ruto ay kala shaqeeyaan sidii loo howlgelin lahaa dhallinyaro badan oo kenyaan ah.