88 qof oo ka mid ah qaxootiga Rohingya ee ku sugan India oo la xiray

0
755

Ciidamada wadanka India ayaa xabsiga u taxaabay 88 ka mid ah qaxootiga Rohingya ee wadankaasi kadib markii ay ku hor banaan baxeen xafiiska Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR.
Waxaa arrinkan warbaahinta u xaqiijiyay taliyaha saldhigga booliska Vikaspuri.
Waxaa uu intaasi ku daray in 17 kamid ay yihiin haween xaamilo ah iyo carruur isagoona sii raaciyay in 71 kale la geeyay xero ku taalo caasimadda wadankaas.
Qaxootigan ayaa la sheegay inay shaley soo gaareen caasimadda New Delhi iyagoo ka soo tagay dagmada Jammu.
Saraakiisha degmada Jammu ayaa sheegeen in qaxootigan la xiray dib loogu celin doono wadankooda hooyo ee Myanmar.
700,000 oo Qaxootiga Rohingya ayaa dunida u kala qaxay kadib markii milatariga Myanmar ay gobolka Rakhine ka gaysteen howlgallo ay qaramada midoobay ku tilmaantay xasuuq sanadkii 2017-kii.