Waxaa lagu soo warramayaa in wariye caan ah oo u dhashay dalka Pakistan oo lagu magacaabo Arshad Shariif lagu dilay magaalada Nairobi.
Dilka toogashada ah ayaa waxaa gaystay booliska taas oo sida la sheegay ay ahayd mid lagu qaldamay.
Arshad Shariif ayaa la sheegay in madaxa laga toogtay isaga oo marayay waddada isku xirta Nairobi iyo Magadi oo hoostagta ismaamuka Kajiadio, ka dib markii ciidamada booliska ay cayrsadeen.
Xaaska Shariif oo lagu magacaabo Javeria Siddiqui ayaa baraha bulshada soo dhigtay qoraal ay ku xaqiijinayso geeridiisa.
Waxaa ay sheegtay inay waysay saaxiib, ninkeeda iyo wariya ay aad u jeclayd.
I lost friend, husband and my favourite journalist @arsched today, as per police he was shot in Kenya.
Respect our privacy and in the name of breaking pls don't share our family pics, personal details and his last pictures from hospital.
Remember us in ur prayers. pic.twitter.com/wP1BJxqP5e— Javeria Siddique (@javerias) October 24, 2022
Suxufi lagu magacaabo John Allan Namu ayaa sidoo kale xaqiijiyay geerida wariyahan, isaga oo beeniyay wararka sheegaya in Shariif uu sabab u ahaa inuu Kenya imaado si uu ugala shaqeeyo dokumentari baaritaan ah sida lagu sheegay warbixino badan oo la soo daabacay.
I am sorry to hear about Arshad's death. I was interviewed for the documentary but he and I never met or worked together.
— John-Allan Namu (@johnallannamu) October 24, 2022
Arshad ayaa la sheegay in uu ku howlanaa kiis musuqmaasuq ah oo uu baaritaan ku sameenayay kaas oo ka dhan ah dadka ku sugan meelaha sare iyo kuwa awood u leh.
Booliisku ayaa weli ka hadlin arrintan.
Subaxnimadii maanta ayaa baraha bulshada kuwada xariirto si wayn loogu tacsiyeeyey qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Arshad.
Waxaana sido kale dilka loo gaystay suxufigaasi ka dhashay cambaareyn caalami ah.
Dhanka kale maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliska ee IPOA ayaa billaabay baaritano la xiriira dhacdadan.
#Pakistan🇵🇰 #Kenya🇰🇪 Claims of “mistaken identity” are not credible. The procedure is to immobilise the vehicle or intercept it at a later stage & repel hostilities (if any) by firing on hostiles. Non-violent passengers should never be shot at. Demand investigation. #ArshadSharif pic.twitter.com/0UZoWfrti3
— International Human Rights Foundation (@Declaracion) October 24, 2022