4 ka mid ah saraakiishii SSU ee DCI-da oo afduubnimo ku eedeysan oo maanta maxkamad la soo taagaya

0
421

Waxaa maanta maxkamadda ka soo hormuuqan doono afar sarkaal oo ka mid ah ciidamada qaybtii gaarka ahayd ee waaxda dambi baarista ee SSU-da ee dhawaan la kala diray.
Saraakiishan oo la xiray ayaa ka mid ahaa 21 tagay xarunta laanta arrimaha gudaha ee adeegga qaran ee booliska oo wax laga waydiiyay shaqooyinkooda.
Saraakiisha ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Peter Muthee, Francis Ndonye, John Kamau iyo Joseph Mbugua.
Qareenka u doodaya oo lagu magacaabo Danstan Omari ayaa sheegay in saraakiishan aynan ku lug lahayn eedeymo loo soo jeediyay oo ay ka mid tahay inay qayb ka qaateen afduubka labo muwaadin oo u dhashay India oo lagu kala magacaaba Maxamad Saciid Sami Kidwai, Zulfiqar Axmad iyo darawal kenyaan ah oo magaciisa lagu sheegay Mwania Mwa
20-kii bishan ayay ahayd markii madaxweynaha dalka William Ruto uu amray in baaritaanno dabagal ah lagu sameeyay xubnaha qaybtii gaarka ahayd ee dambi baarista ee SSU ee la kala diray.
Waxaa uu xusay in askartan lagu eedeyay dilal sharci darro ah oo loogu gaystay dad kenyaan ah sidaas awgeedna la doonayo in la baaro si haddii eedeymaha lagu cadeeyo looga qaado tallaabada ku habboon ee sharciyeed.