Guddoomiyaha dowlad deegaanka Garissa Nathiif Jaamac ayaa sheegay in la billaabi doono qorsho lagu ogaanaya tirada rasmiga ah ee howlwadeennada u shaqeeya ismaamulkaasi.
Waxaa uu Nathiif Jaamac xusay in tirada shaqaalaha dowlad deegaanka Garissa ay aad u badan tahay markii loo eego dhaqaalaha soo galo.
Barasaabka ayaa xusay in qorshahan ay qayb ka tahay in la xaqiijiyo aqoonta shaqaalaha iyo qaabkii lagu howlgeliyay.