Dhibaatada ka dhex taagan beeralayda iyo xoolo dhaqatada ayaa sidoo kale ka jirta xadka ismaamullada Isiolo iyo Meru oo xalay haweeney lagu dilay iyadoo shacabka ay doonayaan in dowladda ay arrintan wax ka qabato.
Taliyaha booliska ee galbeedka Tigania Robinson Lagat iyo Peter Karanja oo ah madaxa booliska ee bariga Tigania ee ismaamulka Meru ayaa sheegay in gacanta lagu dilay 3 qof oo xoolo dhaqato ah oo lala xiriirinaya dilka xalay dhacay.
Waxay intaasi ku dareen in ilaa 174 neef oo geel ah la soo wado si loogu celiyo halkii laga keenay muddo toddobaad gudihiis ah.
Xaaladdan ayaa waxaa sababtay abaarta oo keentay in xoolo dhaqatada ay u gudbaan deegaano kale si ay xoolahooda ugu helaan daaq iyo biyo.