Kalonzo Musyoka oo sheegay inay soo magacaabayaan gole wasiirro

0
432

Madaxa xisbiga Wiper oo ka tirsan isbeheysiga Azimio La Umoja- One Kenya, Kalonzo Musyoka ayaa sheegay inay dhawaan soo magacaabi doonaan gole wasiirro oo la xisaabtamaya dowladda talada haysa.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in golahan wasiirrada uu lahaan doono miisaaniyad uu ku shaqeeyo.
Musyoka ayaa dhanka kale su’aal geliyay sababta madaxweynaha dalka William Ruto uu u shaaciyay inay bannaan yihiin xilalka guddoomiyaha iyo saraakiisha sar sare ee guddiga doorashooyinka.
Waxaa uu dalbaday in aan la bartilmaameedsan afar ka mid ah saraakiisha guddiga oo ka soo horjeestay natiijadii doorashadii guud ee 9-kii bishii Siddeedaad ee sanadkan.