DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo shaqaalaha ugu baaqay inaynan siyaasad ku lug yeelan

0
374

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa uu si siman ugu adeegi doono dhammaan kenyaanka iyadoo aan la tixgelin taageerada siyaasadeed ee qofka.
Xilli uu maanta ku sugnaa ismaamulka Kitui ayuu hoosta ka xarriiqay inuunan jiri doonin deegaan wadanka ka mid ah oo lagu gacan bidixeynaya dhanka horumarka.
William Ruto ayaa shaqaalaha dowladda oo ay ka mid yihiin isku duwayaasha gobollada ugu baaqay inaynan ku lug yeelan arrimo siyaasadeed oo ay dadweynaha si siman ugu adeegaan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuunan saraakiisha dowladda uga baahneyn inay garab ku siiyaan siyaasadda xisbiga UDA.

Hoggaamiyaha dalka ayaa dhanka kale ka hadlay wax ka qabashada caqabadaha biyaha ee ismaamulka Kitui.

Waxaa uu sidoo kale dhammaan kenyaanka ugu baaqay inay bixiyaan canshuuraha isagoo xusay inuu doonayo in Kenya aan deyn shisheeye lagu lahaan.