Mithika Linturi oo uu madaxweynaha dalka William Ruto u soo magacaabay wasiirka wasaaradda beeraha ayaa sheegay in hantidiisa guud ay qiimo ahaan tahay 1.2 bilyan oo shilin.
Arrintan ayuu u sheegay xubnaha guddiga baarlamaanka u qaabilsan turxaan bixinta oo su’aallo weydiiyay.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in hantidiisa ay isugu jirto maalgashi , saami uu shirkado ku leeyahay , guriyo laga ijaartay iyo baabuur.
Linturi ayaa xusay inuu ka ganacsado caanaha maadaama uu leeyahay ari iyo lo’ sidoo kalena uu abuur sameeyo.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inuu waaxda garsoorka ee dalka ka sugaya inay abaal marin siiso maadaama uu ku andacoonaya in guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC uu si qalad ah u dacweeyay.
Mithika Linturi ayaa siyaasadda ku soo biiray sanadkii 1997 waxaa uuna sidoo kale soo noqday xildhibaan iyo senatar.