Wiilka uu dhalay madaxweynaha dalka Uganda, Janeraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa sheegay in cidna aynan waxba ka mamnuuci karin maalin un ka dib markii aabihii, madaxweyne Yoweri Museveni uu amray inuu joojiyo inuu arrimaha dowladda kaga hadlo barta Twitter-ka.
I hear some journalist from Kenya asked my father to ban me from Twitter? Is that some kind of joke?? I am an adult and NO ONE will ban me from anything!
— Muhoozi Kainerugaba (@mkainerugaba) October 18, 2022
Hadalka madaxweynaha ayaa yimid ka dib markii farriimo uu Janeraal Kainerugaba soo dhigay bartiisa Twitter-ka laba todobaad ka hor ay muran badan dhaliyeen, kuwaas oo uu ku goodiyay inuu duullaan ku geli doono wadanka dalkiisa dariska la ah ee Kenya, arrintaas oo horseeday raalligelin cad iyo kulamo diblumaasiyadeed si loo adkeeyo xiriirka ka dhexeya labada dal.
Madaxweynaha wadanka Uganda ayaa dhawaan sheegay in janeraalka ay tahay inuu aad uga taxadaro ka hadalka dalalka kale iyo siyaasadaha axsaabta ee Uganda marka uu Twitter-ka wax soo dhigayo.
Hasayeeshee jawaab uu bixiyay saacado ka dib, ayuu Janeraal Kainerugaba waxa uu warkaas ku tilmaanay inuu kaftan un iska ahaa.
Kainerugaba ayaa lagu yaqaana inuu bartiisa Twitter-ka soo dhigo farriimo ay su’aalo badan ka dhashaan, oo ay ku jiraan inuu taageero u muujiyay duullaanka uu Ruushka ku qaaday wadanka dariska la ah ee Ukraine iyo sidoo kale fallaagada Tigray ee la dagaallamaysa ciidamada Itoobiya.